Isku shaan-dhayn lagu sameeyay golaha wasiirada Jubaland

1428

Madaxweynaha Dowlad goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa xalay xilli dambe isku shaandheyn ku sameeyay Golihiisa Wasiirada, iyadoo ay ku jiraan xubno cusub oo Golihiisa ka mid ah.

Maalmahan dambe ayaa warbaahinta waxa ay aad u hadal heysay in Madaxweyne Axmed Madoobe uu wado qorshe uu isku shaandheyn ugu sameynayo Golihiisa Wasiirada, si shaqada loo dardargeliyo.

Axmed Madoobe ayaa sababta ibedelkan loo sameeyay ku sheegay baahida loo qabo dardargelinta hawlaha fulinta Dowlad goboleedka Jubbaland, kalana tashaday Madaxweyne ku-xigeenada Jubbaland.

Sida ku cad warqada ka soo baxday xafiiska Hoggaamiyaha Jubbaland ee ku saabsan isku shaandheynta illaa 11 Wasiir ayaa isku shaandheynta ay saameysay, waxaa qaar ka mid ah loo kala bedelay wasaaradaha, halka kuwo kalena ay waayeen xilalkooda.

Wasiir Aadan Ibraahim Aw Xirsi oo ka mid ahaa xubnaha aadka ugu dhaw Axmed Madoobe ayaa loo magacaabay Wasiirka Qorsheynta iyo Xiriirka Caalamiga, waxaa uu horay u ahaa Wasiirka Dastuurka.

Maamulka Jubbaland oo sanado ka hor lagu dhisay magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose ayaa ka mid ah maamul goboleedyada dalka ka jira, wuxuuna sameeyay hormar aan sidaas u badneyn.