Muqdisho – Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa xilalkii ka qaaday Guddoomiye ku xigeenadii Maaliyadda, Amniga iyo Siyaasadda, hawlaha guud iyo Xoghayaha Guud ee Gobolka Banaadir.
Madaxweyne Farmaajo ayaa u magacaabay Cabdulqaadir Maxamed Maxamuud Guddoomiye Kuxigeenka Maamulka iyo Maaliyadda Gobolka Banaadir, ahna Kuxigeenka 1-aad ee Guddoomiyaha Gobolka iyo Duqa magaalada Muqdisho, halka Cali Cabdi Wardheere ( Cali Yare) loo magacaabay Ku Xigeenka Amniga iyo Siyaasadda.
Madaxweynaha oo sidoo kale tixraacaya, talo soojeedinta Golaha Xukuumadda iyo qorshaha Ra’iisul Wasaaraha ee la xiriira dardar gelinta howlaha soocelinta bilicda Caasimadda ayaa u magacaabay Faarax Cabdi Diini Guddoomiye Kuxigeenka Howlaha Guud ee Gobolka Banaadir, halka Xiireey Axmed Rooble loo magacaabay Xoghayaha Guud ee Gobolka Banaadir.
Madaxweynaha ayaa ku adkeeyey dhammaan masuuliyiintan uu magacaabay in ay degdeg u hirgeliyaan qorshaha hormarineed ee laga sugayo, uguna adeegaan shacabka Soomaaliyeed ee Gobolka Banaadir si daacadnimo iyo waddaniyad leh, wuxuuna ku ammaanay gudoomiyeyaashii hore ee xilalkan soo hayey wakhtiga ay u hureen u adeegidda shacabkooda iyo dalkooda.
Isbeddelkaan ahaa imanaya iyadoo maalmihii ugu dambeeyay ay cabasho ka taagnayd nadaafada iyo biyaha roobabka ka da’ay Muqdisho ah dhigeen waddooyinka taasi oo Maamulka Gobolka Banaadir ay ku guuldareysteen in ay wax ka qabtaan.