Isbeddel lagu sameeyay hoggaanada ciidanka xoogga dalka

648

Muqdisho (UM) – Waxaan maanta isbeddel lagu sameeyay qaarka mid ah hoggaanada ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed.

Waxaa Sarreeye Gaas Cabdi Xasan Maxamed oo ahaa u qeybsanihii Milateriga ee Safaaradda Soomaaliya ee dalka Sacuudiga loo magacaabay Taliye ku xigeenka Ciidanka Xoogga dalka.

Iyadoo Abaanduulihii hore ee Ciidanka Xoogga dalka Janaraal Odowaa Raage, isna loo magacaabay Taliyaha Ciidanka lugta, halka  General Cabdirashiid Cabdullaahi Shire loo magacaabay Abaanduulaha Ciidanka lugta.

Isbedalkan lagu sameeyey qeybo ka mid ah Hogaanka Ciidanka Xoogga dalka ayaa sidoo kale Admiral Guuto Cabaas Amiin Cali  loogu magacaabay Taliyaha Ciidanka Badda Soomaaliya.

Isbedelka lagu lagu sameeyey qaab dhismeedka Ciidanka Xoogga ayay dowladdu sheegtay loogu talo galay dar dar-gelinta howlaha Ciidanka Xoogga.

Isbeddeladda lagu sameeyay qaarka mid ah hoggaanada ciidamada xoogga dalka ayaa imaanaysa iyadoo qaraxyo isdaba joog ah ay maalihii ugu dambeeyay ka dhacayeen magaalada Muqdisho kuwaasi oo lagu dilay dad badan oo rayid ah oo aan waxba galabsan khaasaare hantiyeedna geystay.

SHARE