Isbaheysiga Khaliijka oo uu horkacayo Sucuudiga iyo ciidanka dawladda Yaman oo isgarabsanaya ayaa weerar culus ku qaaday magaalada xeebta Xudeyda oo ah halka gargaarka looga soo dajiyo dhulalka xuutiyiintu ay Xukumaan.
Hey’adaha gargaarka ayaa ka digay musiibi bini- aadaminimo haddii Sacuudiga iyo xulafadiisa ay weeraraan magaaladaan oo ay ku taalo dekadda kaliya ee gargaarka loo mariyo dhulalka ay ka taliyaan Xuutiyiintu.
Weerarkaan ayaa imaanaya kaddib markii uudhammaaday waqtigii kama dambeysta ahaa ee isbaheysiga Sucuudiga u qabtay in ciidanka Xuutiyiinta ay uga baxaan magaalada , waqtigaas oo xalay saqdii dhexe ku ekeyd.
Waa markii ugu horreysay ee isbaheysiga Sucuudigu isku dayo in uu qabsado magaalo si aad loo difaacayo tan iyo intii u bilawday dagaalka dalka Yaman dabayaaqadii sannadkii 2014.
Maxay magaalo xeebeedka Xudeyda muhiim u tahay?
Isbaheysiga Sucuudiga ayaa doonaya in ay soo afjaraan hubka ay sheegeen in Iiraan ay kasoo dajiso dekadda Xudeyda si ay guul uga gaaraan ismari waaga ka taagan dalka Yaman. Xuutiyiinta iyo Iiraan ayaa dafiray in ay dekakaas u isticmaalaan in hublaga soo dajiyo , taa badalkeeda waxay sheegeen in dekadda ay isticmaalaan dad gargaar u baahan.
Hey’aha gargaarka ee qaramada midoobay ayaa waday dadaalo lagu baajinayo dagaalka si dad badan oo ku xiran gargaarka kasoo dega dekedda aysan dhibaato cuno la,aan usoo gaarin.
Hey’adaha gargaarka ayaa sheegay in dad gaaraya 600 oo ku nool magaalada iyo agagaarkeeda laga yaabo in saameeyn ay ku yeelato colaadda kasoo cusboonaatay Xudeyda.
Xudeyda waxaa hadda gacanta ku haya Xuutiyiinta oo sidoo kale xukuma inta badan waqooyiga dalka Yaman.