Isbaarooyinkii yaallay Koofurta Gaalkacyo oo lagu guulaystay in la qaado

147

Gaalkacyo – Wasaaradda amniga dowlad Goboleedka Galmudug ayaa ku guulaystay in ay qaado isbaarooyinkii yaallay Koofurta magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobalka Mudug.

Wasiirka Amniga Galmudug Axmed Macalin Fiqi oo maalmahan hawlo shaqo u joogay Gaalkacyo oo shaqadan hormuud ka ahaa ayaa ku guulaystay qaadista isbaarooyinkaas sanado yaalley Gaalkacyo iyada oo lagu wareejiyay ciidamo booliis ah oo ka amar qaata wasaaradda amniga ee dowlad goboleedka Galmudug.

Ciidamadan ayaa lagu wadaa in ay ka shaqeeyaan ilaalinta nabad gelyada deegaanadii ay yaaleen isbaarooyinka sida lagu xusay qoraal ka soo baxay Wasaaradda amniga Galmudug.

Sidoo kale amar ka soo baxay Wasaaradda amniga Galmudug ayaa lagu mamnuucay ka ganacsiga iyo Isticmaalka maandooriyaha loo yaqaano Khamriga kaas oo ay wasaaraddu soo bandhigtay qaar kamid ah oo ay gacanta ku soo dhigeen ciidamada booliiska Galmudug.

Wasiirka amniga Galmudug Axmed Macalin Fiqi ayaa dhawaan la wareegay sidoo kale ciidamo maleeshiyo beleed u abaabulnaa oo dagaal ku dhexmaray ciidanka dowladda magaalada Gaalkacyo kuwaasi oo Wasiirkiu sheegay in ciidankaan iyo gaadiidkooda dagaalba lagu biirinayo ciidanka dowlad Goboleedka Galmudug.

 

 

SHARE