Iran oo sheegtay in ay “diyaar u tahay wadahadalo” haddii Mareykanku cunaqabateynta ka qaado

117

Dowladda Iran ayaa sheegtay in ay diyaar u tahay in ay wadahadal la gasho Mareykanka haddii Washington ay qaadeyso cunaqabateynta ayna dib ugu soo noqoto heshiiskii Nukliyarka ee 2015-ka ee uu ka baxay sanadkii hore.

“Waxaan mar walba aaminsanahay wadahadalka … haddii ay qaadaan cunaqabateynta, joojiyaan cadaadiska dhaqaale ee lagu soo rogay oo ay ku soo noqdaan heshiiska, waxaan diyaar u nahay in aan wadahadal la yeelano Mareykanka maanta, hadda iyo meel kasta,” ayuu yiri Madaxweynaha Iran Hassan Rouhani oo ka hadlay telefishinka Axaddii.

Hase yeeshee, Iran ayaa wadahadal kasta shuruudo uga dhigtay in marka hore loo ogolaado saliideedii ay dhoofin jirtay ka hor intii uusan Mareykanku ka bixin heshiiskii Nukliyarka ee caalamka bishii May 2018.

Xiisada u dhaxeysa Mareykanka iyo Iran ayaa sii xoogaysatay sannadkii hore kaddib markii madaxweynaha Mareykanka Donald Trump uu ku dhawaaqay inuu ka baxay heshiiskii Nukliyarka Iran iyo lixda quwadood ee caalamka iyadoo dib loogu soo rogay Tehran cunaqabateyntii lagu qaaday heshiiskaas.

SHARE