Iran oo qorsheyneysa in ay soo rogto tallaabooyin adag markii uu cudurku sare u sii kacay

155

Iiraan ayaa diiwangalisay dhimasho cusub oo gaareysa 117 qof 24 saac ee ugu dambeeyay taas oo wadarta dhimashada ka dhigeysa 2,757 ruux afhayeen u hadlay wasaaradda caafimaadka dalkaas ayaa sidaas sheegay. Arrintaan ayaa laga ku qasbi karta dawladda Iiraan in ay soo rogto tillaabooyin cusub oo lagu joojinayo dhaqdhaqaaqa dadka. Tirada dadka qaba xanuunka ee dalkaas aaya gaartay  41,495.

Afhayeenka wasaaradda caafimaadka Iiraan kianush Jahanpur ayaa Tvga dawladda u sheegay in  3,186 qof ay cudurka qaadeen waxa uuna ugu baaqay dadka Iiriyiinta ah in ay guryahooda joogaan.

Iiraan ayaa horay u mamnuucday in magaalooyinka la iskaga safro ilaa khamiistii, waxa kale oo dawladdu ay sii kordhisay hakintii dugsiyada waxbaarsho iyo jaamacadaha, iyada oo si taas la mid ahna la joojiyay isku imaatinka diimeed iyo ciyaaraha kala duwan ee dalkaas lagu qaban jiray si uusan cudurka u faafin.

Madaxweyne ku xigeenka dalka Iiraan Eshaq Jahagiri ayaa sheegay in  haddii ay laga maarmaan noqoto ay soo rogi doonaan tillaabooyin adag maadaama ay mudnaantooda koowaad  ay tahay badqabka iyo caafimaadka dadka reer Iiraan.

Dawladda Iiraan ayaa todobaadkii la soo dhaafay ka digtay in kiisaska cudurka ay kor usii kici karaan markii Iraaniyiin badan ay iska dhego tireen baaqyada in ay ka fogaadan safarada la xiriira sanadka cusub ee Iraan ama Nowruuzka oo bilowday 20 bisha Maarso.

Madaxweyne Ruuxaani ayaa horay u weeraray dadka dhaliilsan habka uu ula tacaalayo cudurka isaga oo sheegay in uu isku dheelitirayo la dagaalanka cudurka iyo dhaqaalaha dalkaas oo uu sheegay haddii xayiraad lagu soo rogo dalka uu dhaawac gaarayo maadaama dalkaas uu saaranyahay cunoqabateynta Maraykanka.

Hoggaamiyaha ruuxiga dalka Iiraan Ayatulah Cali Khameni ayaa diidday kaalmada Maraykanka ee ku aaddan cudurka Corona.

SHARE