Iran oo Mareykanka iyo xulafadiisa Khaliijka ku eedeysay weerarka Ahvaz

677
Ugu yaraan 29 qof oo ay ku jiraan carruur iyo haween ayaa lagu dilay weerarka magaalada Ahvaz ee dalka Iran. Sawirka: [Aljazeera/ AFP]

Iran ayaa ku eedeysay dowladaha Khaliijka iyo Mareykanka weerarkii Sabtidii la la beegsaday qaar ka mid ah ciidamada militariga Iran oo dhoolatus ku jira ee lagu dilay 29 qof, waxayna ku eedeeyeen inay taageerayaan kooxda hubaysan ee ‘al-Ahvaziya’, oo sheegatay mas’uuliyadda weerarka.

Madaxweynaha Iran Hassan Rouhani ayaa ku dhaartay in uu soo gudbin doono “jawaab celin adag”, halka hogaamiyaha sare ee Iran Ayatollah Ali Khamenei uu la xiriiriyay weerarka Mareykanka iyo xulafadiisa ​​gobolka.

Wasiirka arrimaha dibadda Iran Mohamed Javad Zarif ayaa sheegay in waxa uu ugu yeeray” maalgaliyeyaasha argagixisada gobolku ay ka mas’uulyihiin weerarka, isaga oo intaasi ku daray in ay kula xisaabtami doonan Mareykanka’’.

” Argigaxisada waa la shaqaalasiiyaa, waana la hubeeyaa waxaana maalgeliya dowladdo shisheeyo kuwaasi oo weeraray Ahvaz’’ ayuu yiri Wasiirka arrimaha dibadda Iran oo war qoraal ah soo dhigay bartiisa Twitterka.

Weerarka ka dhacay magaalada Ahvaz oo ku taalla koofurta galbeed ee Iran ayaa yimid iyada oo uu waddanku xusayo sanad guuradii ka wareegtay markii Iran dagaal la gashay sanadihii 1980-1988-dii.

Rag hubaysan oo ku labisan dharka militariga ayaa xabado ku furay askar badan oo dhoolatus samaynaya , mas’uuliyiin dowladda ah iyo dad waddada rayid ah oo daawanayay.

Ugu yaraan 29 ayaa lagu dilay weerarka oo ay ku jiraan haween iyo carruur kuwaasi oo u yimid in ay dawadaan bandhiga dhoolatuska.