Iran oo ku dhaaratay in ay jabinayso cunaqabateynta Mareykanka

709

Madaxweynaha Iran Hassan Rouhani ayaa ku dhaartay inuu “jebinayo” cunaqabateynta adag oo lagu soo rogay qaybaha muhiimka ah ee bartilmaameedka Maraykanka ee dhaqaalaha.

Maamulka Trump-ka ayaa dib u soo celiyay dhammaan cunaqabateynta lagu qaaday heshiiskii nukliyarka ee 2015-ka kaas oo lagu doonayo in lagu cadaadiyo Iran. Waxay bartilmaameedsanaysaa cuqanaqabateyntaan  dhoofinta shidalka, maraakiibta iyo bangiyada, waxayna ku adkeynaysaa in ay ganacsi la galaan dalalka hodanka ku ah shidaalka.

Laakiin Mr Rouhani waxa uu qalinka ku duugay, isaga oo sheegay in Iran ay sii wadi doonto iibinta shidaalka.  Wadamada yurub oo weli qeyb ka ah heshiiskii loogu talagalay in ay xakamayso dhaqdhaqaaqa nukliyeerka Iran ayaa sheegay in ay gacan ka gaysan doonaan ganacsiyada in ay dhaafaan cunaqabataynta. Laakiin waxaa jira shaki ku saabsan sida uu u guuleysan karto arrintani.

Madaxwaynaha Mareykanka Donald Trump ayaa heshiiskii nukliyarka Iran ka baxay horaantii sanadkaan, heshiiska uu ugu yeeray “heshiiskii ugu xumaa ee la lagu gorgortamey”.

Heshiiskaan ayaa dhigaya in cunaqabataynta laga qafiifiyo Iran si beddelkeeda Iran u yareyso bacriminta hubka nukliyeerka.

Hey’adda caalamiga ah ee nukliyeerka ee loo soo gaabiyo IAEA, ayaa sheegtay in Iran ay u hogaansantay heshiiska. Madaxweyne Trump ayaa sheegay in uu doonayo in uu Iran dib ugu soo celiyo miiska wada xaajoodka.