
Dowladda Iraan ayaa sheegtay Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil inuu ka been sheegayo eedeymaha uu u jeediyay Iraan ee ku aadan ee barnaamijka nukliyerka Iraan.
Dokumentiga uu shaaca ka qaaday Netanyahu ayaa kala qaybsanaan ku reebay dalalka reer galbeedka,maalmo uun ka hor intii uusan Mareykank go’aan ka gaarin kabixidda heshiskii nukliyeerka ee quwadaha caalamku la galeen Iran sanadkii 2015.
Netanyahu ayaa sheegay in Iran y si qarsoodi ah ku wada barnaamijkeeda inkastoo ay heshiis la gashay quwadaha dunida oo ku aadan barnamijkeeda miyukliyeerka.
Fransiiska waxuu sheegay in macluumaadka qaar lasoo bandhigay sanadkii 2002-dii islamarkaasna waxuu ku adkaystay muhimadda ay leedahay in la sii wado heshiiska.
Mareykanka wuxuu sheegay inaysan ku aamin qabin sidii heshiiska loo dhigay.
Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa ka hor yimid heshiiska isagoo la filayo in 12-ka bisha May uu go’aan ka gaaro heshiishkaasi.
Iran maxay ka tiri?
Afhayeen u hadlay wasaaradda arrimaha dibadda oo lagu magacaabo Bahram Ghasemi ayaa sheegay in Netanyahu oo ka beensheegay damaca samaynta barnaamijka nukliyeerka . Xukuumadda Tehran waxay ku ku tilmaamtay hadal aan faa’ido lahayn oo ceeb ah.
Wasiirka arrimaha dibadda Iraan Javad Zarif ayaa horaan u sheegay in Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil uu doonayo inuu ku dhiirogeliyo in Mareykanka uu isaha baxa heshiiska Iran.
Wuxuu intaasi ku daray in warbixinada uu Netanyahu soo gudbiyay ay ka buuxeen eedeymo hore oo horay ay u xalisay Ha’ayadda Atoomikada Dunida ee (IAEA).

Siday ugu jawaabtay ha’ayadda Atoomikada?
Waxay ku guuldareysatay inay si toos ah uga hadasho eedeymaha Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil balse waxay tix raac ku sameysay warbixinteeda sanadkii 2015-kii taasoo qeexaysay waxyaabo ku saabsanaa barnaamijka nuclearka ee Iiraan.
Warbixintaasi ayay hay’addu ku sheegtay inaysan haynin caddeymo ku filan oo ah in Iran ay ku lug leedahay arrimahaasi.
Maxaa ku jiraa dokumeentiga?
Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil ayaa Isniintii sheegay inuu hayo kumanaan caddeymo ah oo oo ay kamid yihiin feelal qarsoodi ah oo ku salaysan barnaamijka nukliyeerka Iraan.
Netanyahu wuxuu sheegay in caddeymaha uu hayo ay muujinayaan in Iraan ay ka been sheegtay barnaamijkeeda horumarinta nukliyeerka ka hor heshiskii ay quwadaha caalamka la gashay sanadkii 2015-tii.
Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil ayaa ku eedeeyay Iran inay samaynaysay barnaamij nukliyeer oo qarsoodi ah oo lagu magacdaray mashruuca Amad. Waxuuna intaasi raaciyay in xukuumadda Tehran ay weli waddo samaynta nukliyerka kaddib markii la joojiyay mashruuca sanadkii 2003-dii.
Waxaa sare u kacaya xiisadda u dhexeyso dalalka waawayn illaa markii Iran ay kordhisay galaangalkeeda militeri ee gudaha Suuriya.

Dowladda Iran ayaa markasta beenisa inay samaysanayso hub nukliyer ah. Waxayna sheegtay in saddex sano ka hor ay joojinayso barnaamijkeeda horumarinta nukliyeerka oo ay ku baddalatay in cunaqabataynta laga qaado.
Mareykanka muxuu ka yiri arrintani?
Aqalka cad ee Mareykanka ayaa mar sii horreysay ka jawaabay eedeymaha uu shaaca ka qaaday Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil, wuxuuna sheegay inay fahamsan yihiin in Iran ay sii xoojinayso barnaamijkeeda nukliyeerka.
Xoghayaha cusub ee arrimaha dibadda ee Mareykanka Mike Pompeo wuxuu sheegay in cadaymahan ay yihiin kuwo run ah islamarkaasana Iran aysan sheegaynin runta oo ay adduunka iyo ha’yadda Atoomikada ka qarisay kaydka hubka Atoomikada.
BBC Somali