Interpol oo madaxweyne cusub u dooratay Kim Jong-yang

452
Kim Jong-yang oo u dhashay Kuuriyada Konfureed ayaa xilka loo doortay labo sano. Sawirka: AP

Dubia, UAE –  Hey’adda Booliiska caalamiga ah ee Interpol ayaa madaxweyne u doortay Kim Jong-yang oo u dhashay dalka Kuuriyada Koonfureed, iyadoo diiday in ay doorato musharaxa ugu cacadaa tartanka ee Ruushaka u dhashay kaasi oo lagu eedeeyay inuu ku tagri falay nidaamka ruqsada xirada ee hey’ada booliiska caalamiga ah.

Mr Kim ayaa waxaa doortay 194 xubnood oo ka tirsan hey’ada booliiska caalamiga ah ee Interpol kulankooda sanadlah aoo ay ku yeesheen magaalada Dubai ee dalka Imaaraadka.

Mr Kim ayaa ka adkaaday Alexander Prokopchuk oo Ruushka u dhashay, kaasi oo si wayn loo saadaalinayay in la dooran doono.

Laakiin waxaa jiray walaac sii kordhayay oo ah in Mr Prokopchuk uu awoodiisa Interpol u isticmaalo inuu bartilmaameedsan Karo dadka dhaliila ama ka soo horjeeda siyaasada madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin.

Ruushka ayaa ugu yeertay eedeymaha” Olole la doodanayo in lagu sumcad dilo” Musharaxa Ruushka.

Doorashada ayaa dabaca socota kaddib markii uu is casilay madaxii hore ee hey’ada booliiska Interpol Meng Hongwei, kaasi oo lagu xiray Shiinaha bishii September isagoo loo haysto eedeymo la xiriir musuqmaasuq.

Mr Kim, oo ahaa ku simaha madaxa hey’ada Interpol, ayaa xilka hayn doono labadii sano ee u dhimanayd madaxii ee hore isagoo afar sano hayn doono.

Doorashada kaddib ayuu sheegay mr Kim in dunidu ay hadda wajahayso isbeddelo aan horay loo arag oo caqabado waawayn ku ah ammaanka iyo amniga guud.

Waxa uu sheegay si looga adkaado in loo baahanhay aragti cad ” waxaan u baahan nahay inaan dhisno buundada mustaqbalka.” Ayuu yiri.

Waa maxay Interpol?

Hey’adda Booliiska ee dambiyada caalamiga ah waxaa lagu aasaasay magaalada Vienna sanadkii 1923 in Vienna. Waxaa xubno ka ah 194 dowladdood.

Interpol waxay diiradda saartaa dambiyada sida argagixisada, tahriibinta maandooriyaha, tahriibinta dadka, filimada carruurta iyo lacagta la dhaqo.

Shaqadeedu waa in ay sii jirtaa siyaasad ahaana dhexdhexaad ay noqotaa sida uu dastuurkeedu ka mamnuucayo in ay ku lug yeelato “waxqabadyo siyaasadeed, millatari, diin ama midab-takoor”.

Hey’ada Booliiska ee Dambiyada Caalamiga ah wuxuu isu keenaa ciidamada booliska ee 194 waddan, kuwaas oo wadaaga sirdoon waxayna gacan ka gaystaan raadinta dadka la raadinayo iyo dadka la waayo.

SHARE