Tirada dhimashada Dhulgariirkii ku dhuftay Jasiirada Sulawesi ee dalka Indonesia ayaa gaartay 1,234 iyadoo tirada dhimashadu markii hore ahayd 844, sida ay xaqiijisay Hey’adda Masiibooyinka Qaranka ee Indonesia.
Dhulgariirka Jimcihii ku dhuftay Jasiirada Sulawesi ee bartamaha dalka Indonesia oo cabirkiisu ahaa 7.5 oo duufaan xooggan ay sidoo kale ka dhasheen ayaa burburiyay magaalada yar ee Palu, oo ku taalla xeebta galbeed ee Jasiirada Sulawesi.
Ugu yaraan 200,000 oo qof ayaa ku baracakay Masoobooyinka ka dhashay dhulgariirka kuwaasi oo la sheegay in ay gargaar degdeg ah oo isugu jira cuno, biyo, hooy iyo daawo u bahaahan yihiin.