Tirada dadka ku dhintay Dhul-gariirka ku dhuftay jaziirara Sulawesi ee dalka Indonesia ayaa gaartay 832, sida ay sheegtay Hey’adda Masiibooyinka Qaranka Indonesia. Hey’ada waxa ay sheegtay in ay qiimayn ku samaysay goobaha sida ba’an dhulgariirku sameeyay.
Dad badan ayaa la sheegay in ay ku xanibmeen burburka dhismayaasha dhul-gariirku dhul dhigay kaasi oo cabirkiisa lagu qiyaasay 7.5.
Madaxweynaha Indonesian Joko Widodo ayaa booqday jasiira arrived Sulawesi si uu xaalada u qiimeeyo iyo hawlaha gurmadka ee loo fudinayo dadka dhulgarriirku sameeyay.