Ugu yaraan 222 qof ayaa ku dhintay 800 kalena waa ay ku dhaawacmeen kaddib duufano ku dhuftay xeebaha dalka Indonesia, sida ay sheegeen mas’uuliyiinta dalkaasi.
28 ruux oo kale ayaa wali la la’yahay kadidib markii dabaylo xoogan oo ka dhashay foolkano qaraxday ay ku dhufteen goob dad badani ku cawayayeen, sida ay sheegtay Hey’ada Masiibooyinka Qaranka Indonesia.
Duufaantaan oo dherarkeedu lagu yahay 16 ayaa ku dhuftay habeenkii sabtida xeebaha ku teedsan marinka Sunda Strait oo u dhexeysa jasiiradaha Java iyo Sumatra iyadoo burburisay 430 guri, 9 Huteel iyo 10 markab.
Saynaysyahanada at a sheegay in duufaanta tsunami ay u badan tahay in ay sababtay qaraxa foolkanaha kululaaday.
Hey’ada masiibooyinka Indonesia ayaa sheegtay in ka badan 800 qof ku dhacantay iyadoo uu socdo gurmadka dadka maqan lagu goobayo.