Wararka laga helayo xeebaha dalka Tuniisiya, ayaa waxaa ay sheegayaan in Ku dhowaad 50 qof oo muhaajiriin ah ay Ku geeriyoodeen halkaasi ka dib markii Doon ay saarnaayeen la qalibantay.
Mas’uuliyiinta dalka Tunisia ayaa warbaahinta u sheegay in howgal badbaadin ah uu ka socdo xeebaha dalkaasi kuwaasi oo lagu baadigoobayo dad nool oo badda musiibo ay halkaasi Ku haleeshay.
Hay’adda Socdaalka Adduunka The International Organisation for Migration (IOM) ayaa sheegtay in Ku dhowaad 70 qof lasoo badbaadiyay ilaa iyo hadda.
Qaar ka mid ah dadka la badbaadiyay ayaa sheegay in doonta markii hore ay saarnaayeen 180 qof kuwaasi oo 50 ka mid ah la sheegay in ay geeriyoodeen.