Muqdisho – Waxaa maanta si rasmi uga bilowday degmooyinka Gobolka Banaadir iyo magaalooyinka Gobolada kale ee dalka imtixaanaadka dugisiyada sare oo kal hore dowladdu joojisay.
Wasiirka waxbarashada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cabdullahi Goodax Barre ayaa sheegay in saaka imtixaanka
Imtixaanka shahaadiga ah ee sanad dugsiyeedka 2018/2019 uu dhammaan ka si ramsi ah uga bilowday magaalada Muqdisho iyo gobolada dalka intaba.
Wasiir Goodax ayaa sheegay in ay markaan wasaaradda waxbarashada aad u adkaysay in uusan imtixaanka hannaanka u bixin si wax qish ama fashil ah looga gaashaanto. Waxa kale uu sheegay wasiirkii in la nadiyay korjoogtaynta iyo ilaalinta imtixaanka.
Baraha Bulshada iyo imtixaanaadka
Wasiirka waxbarashada ayaa horrey u sheegay in baraha bulshada ee ay dadweynaha aadka u adeegsadaan ay xiri doonaan inta imtixaanka uu socdo si looga hortago dhibaato ama qish lagu faafiyo oo imtixaanka ah.
Inkasta oo aan saaka la xayirin baraha bulshada, haddana wasiirka ayaa sheegay in wasaaraddiisu ay awood u leedahay in ay saacad kasta xayiri karto baraha bulshada (Sociala Media) haddii khatar ay dareento ama baahi timaado.
“Wasaaraddu waxa ay maxkamadda sare ee waddanka u qortay arji ay ka codsanayso Social Media in la xakameeyo waqtiga imtixaanka haddii baahi timaado. Maxkamadu xukunkaasi waa noo riday mahad ha ka gaarto. Hadda wasaaradu waxa ay haystaa awood saacad kasta social Media aan ku jooji karno”. Ayuu yiri wasiir Goodax Barre.
“Maanta lama joojin baraha bulshada maxaa yeelay baahidii ma jirto, shaqadii kale oo adkayd ee kale ayaa noo shaqaysay sabab loo joojiyo ma jirto lakiin haddii aan khatar aragno waa la joojinaa, waxaa nooga muhiimsan in ardayda ay mar labaad niyad jabaan” ayuu yiri wasiirku.
Wasaaradda waxbarashada ayaa labo toddobaad ka hore joojisay imtixaanka shahaadiga ah ee dugsiyada sare kaddib markii baraha bulshada lagu faafiyay inta badan maadooyinkii ardeydu ay galeen taasi oo keentay in wasaaradda imtixaankaas ay baabi’iso.
Imtixaanaadka maanta bilowday ee sanad dugsiyeedka 2018/2019 ee dowladda ayaa socon doono ilaa 31ka bishaan Maajo.