Imran Khan oo loo dhaariyay Ra’iisal Wasaaraha cusub ee Pakistan

698
Imran Khan ayaa loo dhaariyay Ra'iisal Wasaaraha cusub ee Pakistan ee shanta sanno ee soo socota. Sawirka: APP

Islamabad: Imran Khan ayaa loo dhaariyay Ra’iisal Wasaaraha cusub ee Pakistan kaddib markii xisbigiisu ku guuleysatay inta badan kuraasta baarlmaaniga ah doorashadii ka dhacday dalkaasi bishii hore.

Madaxweynaha Pakistan Mamnoon Hussain ayaa dhaariyay Mr. Khan kaddib munaasabad lagu qabtay caasimadda Islamabad, maanta oo sabti ah.

Ra’iisal Wasaare Khan, ayaa xisbigiisa PTI ee loo yaqaano dhaqdhaqaaqa caddaaladda Pakistan ku guulaystay inta badan doorashii la qabtay 25ka bishii July balse ma helin aqlabiyadii laga rabay inuu ku soo dhiso dowlad . Waxa uu xullafo la samaystay xisibiyada madaxa bannaan taasi oo u suurgalisay inuu dowlad soo dhiso.

Munaasabadda dhaariinta Imran Khan ayaa waxaa ka qeybgalay saakiisha sarsare ee ciidamada qalabka sida iyo hoggaamiyaasha xisbiyada siyaasada.

Imran Khan ayaa shalay oo jimca ah baarlamaanka u doorteen Ra’iisal Wasaaraha cusub ee shanta sanno ee soo socota kaddib markii xisbigiisa Pakistan Tehreek-e-Insaaf (PTI),  ku guulaystay doorashooyikii baarlamaaniga ee la qabtay bishii hore.

Imran Khan, oo horrey u ahaan jiray xisdiga dhanka ciyaaraha cricket ah ayaa

Ra’iisal Wasaaraha cusub ayaa balan qaaday inuu isla xisaabtan iyo barwaaqo u horseedi doono dalka.