IMF oo sheegtay in ay dhamaystirtay dib-u-eegista kowaad barnaamijka SMP ee Soomaaliya

729

Muqdisho (UM) – Hey’ada lacagta adduunka ee IMF ayaa sheegtay in ay dhamaystirtay qeybtii kowaad ee dib u eegista barnaamijka kormeerka shaqaalaha ee Soomaaliya kaddib shir dhawaan Hey’ada iyo Wasaaradda Maaliyadda ay ku yesheen maagalada Nairobi ee dalka Kenya.

Hey’ada IMF ee lacagta adduunka AMA sheegtay in kaddib wadahadal mira dhal ah, oo kooxda IMF iyo mas’uuliyiin dowladda Soomaaliya yeesheen ay ku gaareen heshiis ku saabsan dhamaystirka dib-u-eegista ugu horreysa ee Barnaamijka Kormeerka Shaqaalaha dowladda ee loo yaqaano (SMP). Heshiiskaan ayaa filayaa inuu ansixin doono Agaasimaha IMF, kaasoo la filayo inuu tixgeliyo Warbixinta Shaqaalaha ee dib u eegista ugu horreysa ee hoos timaada barnaamijka SMP horraanta sanadka 2019.

Hey’ada IMF ayaa sheegtay in dhaqdhaqaaqa dhaqaalaha ee sanadka 2018 uu ka soo kabanayo abaartii sanadihii 2016-17 dalka ku dhufatay. Iyadoo Xilli roobaadka oo wanaagsan uu taageerayo soo kabashada dhaqaalaha, gaar ahaan beeraha iyo xoolaha;

“Tani waxay horseedaysaa hoos u dhaca qiimaha cuntada. Hawlaha sii kordhaya ee dhismaha, isgaarsiinta, ganacsiga, iyo adeegyada kale ayaa la filayaa in la sii wado”. Ayaa lagu yiri warbixinta IMF ay sii daysay.

IMF ayaa sheegtay in kobaca dhaqaalaha dhabta ah iyo sicir-bararka la saadaalinayo 3.1 iyo 3.5 boqolkiiba (laga bilaabo 2.3 iyo 5.5 boqolkiiba sanadkii 2017), siday u kala horreeyaan.

IMF waxa ay sheegtay in guud ahaan, waxqabadka maaliyadeed illaa iyo Sebtembar sanadka 2018 uu ahaa mid xooggan. Miisaaniyadda maaliyadeed dhamaadka bisha Sebtembar ay soo celisay lacag dheeri ah oo ah 8 milyan oo doollar (illaa 2.3 milyan oo doollar bishii Juunyo), taas oo ay ugu wacan tahay dakhliga soo koraya ee gudaha, sida warbixinta lagu xusay.

Hey’da lacagta IMF waxa ay sidoo kale sheegtay in ay diyaar u tahay inay sii wado taageerada dib-u-habeeynta Soomaaliya horumarinta baahiya dhanka xirfadaha shaqaalaha iyadoo xoojinaysa gargaar farsamo iyo tababaro goobaha khibrada, gaar ahaan (1) diyaarinta miisaaniyadda iyo maamulka; (2) maareynta maaliyadda dadweynaha, oo ay ku jiraan kharashka, deynta, iyo maaraynta deynta; (3) siyaasadda canshuurta iyo maamulka.

Hey’ada IMF ayaa sheegtay sidoo kale intii shirkaan uu socday ay la kulmeen Wasiirka Maaliyadda, Soomaaliya Cabdiraxmaan Ducaale Beileh, Guddoomiyaha Bankiga Dhexe, Bashiir Ciise Cali iyo mas’uuliyiin kale. Kooxdu waxay sidoo kale la kulantay wakiilada deeq-bixiyeyaasha labada dhinac iyo kuwa caalamiga ah ee jooga Nairobi oo ay u warbixin ka sii yeen waxqabadka barnaamijka SMP, waxayna ka wada hadleen dadaallada isku-dubbaridka ah ee waxqabadyada dib u dhisidda.

Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya ayaa bogogaadiyay warbixinta Hey’ada lacagta adduunka ee IMF ay sii daysay isagoo sheega in ay muujinayso in dowladdu ay fulisay dhammaan balamihii la wada galay.

”Dadaal keena ugu weyn waa in aan dhameystirnaa wixii shuruuda ah ee inoo haray, taasna waxay na gaarsiinaysaa Deyn Cafis iyo isku filnaasho” Ayuu yir Wasiir Beyle.