Imaaraadka oo Sacuudiga iyo Maraykanka uga aragti duwanaaday eedeymaha Iiraan

699

Dowladda Imaaraadka Carabta ayaa u muuqata inay dib uga guraneyso xiisaddii ka dhaxeysay dalalka Khaliijka iyo dalka Iran, iyada oo beddeshay mowqifkeedii hore.

Wasiirka arrimaha dibedda Imaaraadka, Cabdullah Bin Zayed ayaa sheegay in dalkiisa uusan hayn wax caddeyn ah oo si cad u sheegi kara dalkii ka dambeeyey weeraro lagu qaaday maraakiib ku safrayey biyaha gacanka dhowr toddobaad ka hor.

Bin Zayed oo warkan ka sheegay magaalada Moscow oo uu booqasho ku joogay ayaa yiri “si aan mas’uuliyad arrintan dusha uga saarno dal. Waa inaan helnaa caddayn buuxda oo aan shaki ku jirin.”

Hadalkan ayaa aad uga duwan kii Bin Zayed laga soo xigtay bishii May markii la weeraray maraakiibta siday saliidda, kaasi oo uu ku sheegay in faraha Iran ay si aad ah uga muuqdaan weerarada.
Dowladda Imaaraadka Carabta ayaa hadda u muuqata inay ka laabatay eedeymahaas, waxayna ku baaqday in la qaboojiyo xiisadda islamarkaana wada-hadal lagu dhameeyo.

Mowqifka Imaaraadka ayaa aad uga duwan kan dalka ay saaxibka dhow yihiin ee Sacuudiga oo aad ugu ololeynaya dagaal lagu qaado dalka Iran.
Wararka ayaa sheegaya in Imaaraadka Carabta garowsaday inay yihiin dalka khasaaraha ugu badan uu kasoo gaari doono dagaal kasta oo lagu qaado Iran, haddii ay noqoto mid nafeed iyo mid hantiyeed.