Imaaraadka oo Ergo qarsoodi ah u diray Iiraan

640
Imaaraadka oo Ergo qarsoodi ah u diray Iiraan. AFP

Sida ay qortay barta siraha faafisa ee Middle East Eye waxaa dalka Iiraan 48 saac ee ugu dambeysay booqasho qarsoodi ah ku tagay walaalka dhaxal sugaha Imaaraadka Maxamed Bin Zayed sidoo kalena ah la taliyaha amniga ee Imaaraadka Tahnuuni Bin Zayed.

Saraakiil amni oo ka tirsan Imaaraadka ayaa barta ugu sirwaramay in ujeedka socdaalka Imaaraadka ee Iiraan uu yahay sidii loo qaboojin lahaa xiisadda khaliijka.

Socdaalka qarsoodiga ah ee la taliyaha amniga Imaaraadka ayaa noqonaya kii ugu sarreeyay ee sargaal ku tago tan iyo intii ay cirka isku shareertay xiisadda Sucuudiga iyo Iiraan.

Arrintaan ayaa kusoo aadeysa iyada oo ay u muuqato in Imaaraadku qaaday waddo ka dabacsan tan Sucuudiga tan iyo markii horraantii sannadkaan bilowgiisa meel ka baxsan dekadda Fujeyrah ee Imaaraadka lagu weeraray afar markab oo kuwa shidaalka qaada ah.

Inkasta oo taliyaha guud ee ciidanka Maraykanka Micheal Gilday uu xilligaas sheegay in baaritaan ay sameeyeen lagu ogaaday in Iiraan ka dambeysay, haddana Imaaraadka ayaa ilaa iyo hadda farta ku fiiqin Iiraan oo ka gaabsaday in ay ka hadlaan.

Taas badalkeeda waxa Imaaraadka ay saraakiil ka tirsan ciidankooda badda u direen Iiraan .Booqashadaas ayaa la shaaciyay, hayeeshe tan dhacday isbuucaan bilowgiisa lama shaacin oo waxay ahayd mid qarsoodi ah.

Wasiiro dawlaha arrimaha dibadda Imaaraadka Anwar Gargaash ayaa sheegay in Imaaraadku doonayo in xaaladda la dajiyo oo arrimaha jira lagu xalliyo si wanaagsan si kastana ay ka go’antahay in ay colaad ka dheeraadaan.

Dhanka kale waxa uu tilmaamay in ay isdifaacayaan haddii ay dani ku qasabto laakiin ay door bidayaan siyaasad qaboow .

Ergada qarsoodiga ah ee Imaaraadku u diray Iiraan ayaa imaaneysa iyada oo ay socdaan dadaallo qarsoodi ah oo lagu doonayo xallinta khilaafaadka Sucuudiga iyo Iiraan.

Sucuudiga ayaa mar ay la kulmeen Ra’iisul wasaaraha Ciraaq Caadil CabdilMahdi waxay farriin ugu dhiibeen Iiraan.Ciraaq ayaa sheegtay in ay dhexdhexaadinayaan khilaafka labada dal u dhaxeeya.

Ra’isul wasaaraha Pakistan Cimraan Khan ayaa isagana dhawaan shaaciyay in uu booqasho ku kala tagi doono magaalooyinka Riyaad iyo Tehraan si loo dhexdhexaadiyo labada dhinac.

Imaaraadka ayaa dhawaanahaanba u muuqatay in ay ka xarig furatay Sucuudiga oo ay dooneyso siyaasad qaboow oo ay kula dhaqanto Iiraan kaddib markii ay ciidankeeda kala soo baxday dalka Yaman oo dagaallo ay ku dhexmaryaan isbaheysi Sucuudigu hoggaamiyo iyo kooxda Iiraan taageerto ee Xuutiga.

Weerarkii lagu qaaday goobo shidaal oo Sucuudiga ku yaal ayaa xaaladda uga sii daray.Sucuudiga ayaa Iiraan ku eedeysay in ay fulisay, halka Iiraana ay iska diiday eedaha Sucuudiga.