Dowladda imaaraadka Carabta ayaa Maanta Magaalada Muqdisho soo gaarsiisay dawooyin loogu tala galay dadkii ku waxyeeloobay Qaraxii 14-tii Bishaan ka dhacay Isgoyska Soobe ee Magaalada Muqdisho.
Mas’uuliyiin ka socotay dowladda Imaaraadka Carabta ayaa ku wareejisay dawadaasi, Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Xasan Cali Kheyre.
Waxa ay sheegeen in dowladda Imaaraadka Carabta ay kaalin muuqda ka cayaari doonto u gargaarida dadkii ay waxyeelado kasoo gaartay Qaraxii Zoobe.
Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa u mahadceliyay dowladda Imaaraadka Carabta taageerada ay la garab taagan tahay Soomaaliya.
Dowladaha Caalamka ayaa wali wadda garagaarkii ay ugu tala galay dadkii lagu Xasuuqay Muqdisho 14-kii Bishaan.
Ku dhawaad 400 oo qof ayaa ku dhimatay Qaraxii Zoobe, waxaana sidoo kale dhawaacmay 228 Qof, waxaana wali la baadigoobaya nolol iyo Geeri 58 qof.