Imaaraadka oo abaal-marin guddoonsiiyay madaxwaynaha Eritrea iyo Ra’iisul wasaaraha Itoobiya (Sawiro)

564

Ra’iisul wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed iyo Madaxweynaha Eritrea Isaias Afwerki ayaa la siiyay abaalmarinta ugu sarraysa ee uu bixiyo dalka Imaaraadka Carabta.

Labada masuul ayaa hadda ku sugan Isutagga Imaaraadka Carabta, ka dib tallaabooyinkii layaabka lahaa ee ay dhanka dib u heshiisiinta u qaadeen bishan horraanteedii.

Kaaliyeyaasha labada masuul ayaa Twitter ka soo qoraya dalka Isutagga Imaaraadka Carabta.

Isutagga Imaaraadka Carabta ayaa kaalin mug leh ka qaatay isu keenidda labada dal ka dib labaatan sano oo ay is dagaashanaayeen, sida uu sheegayo Martin Plaut oo gobolka ka faallooda.

SHARE