Imaaraadka Carabta oo wada qorshe ka dhan ah Sacuudi Carabiya

1176

Dukumiintiyo Sir ah oo la jabsaday ayaa waxaa ay muujinayaan in dowladda Isu tagga Imaaraadka Carabta ay waddo qorshe ay Ku burburinayso dalka ay walaalaha yihiin ee Sacuudi Carabiya.

Dikumiintiyada sirta ah oo la jabsaday ayaa waxaa lagu sheegay in  Amiirka Dubai Mohammed bin Zayed (MbZ) uu isaga si gaar ah qorshahan ka dhanka ah dalka Sacuudi Carabiya uu wado.

Lama sheegin cidda dukumiintigan jabsatay hase ahaatee waxaa daabacay wargays lagu magacaabo Al Akhbar, oo ka soo baxa dalka Lubnaan.

Wargayska waxaa uu sheegaya in dhaxal sugaha dalka Imaaraadka Carabta Sheikh Mohammed bin Zayed, uu qorshahan la wadaagay diblumaasiyiin dalalka Carabta qoorkood ka tirsan.

Dukumiintiyadan ayaa waxaa qoorkood lasoo saaray 20-kii bishii September sanadkii aan soo dhaafnay ee 2017-kii, waxaana loo diray safiirka dalka Imaaraadka Carabta u fadhiya dalka Lubnaan.

Wargayska ayaa waxaa uu sheegayaa in dukumiintiyadan sirta ah qaarkood lala wadaagay Safiirka dalka Urdun/Jordan u fadhiya dalka Lubnaan Nabil Masarwa  iyo Safiirka dalka Kuwait u fadhiya dalka Lubnaan Abdel-Al al-Qenaie.

Qoor ka mid ah dukumiintiyadan la xaday ayaa waxaa ka muuqanaya safiirka Imaaraadka Carabta ee Lubnaan oo sheegaya in dowladdiisa aan Ku qanacsanayn Siyaasadaha  dowladda Boqortooyada Sacuudi.