Ilwaad Elman oo ka mid noqotay la taliyaasha Xoghayaha Guud ee QM

1170

Xoghayaha guud ee Qaramada midoobay Antonio Gutters, ayaa Ilwaad Elman Cali Axmed, u magacaabay inay ka mid noqoto la taliyeyaashiisa howl-gallada nabad ilaalinta Qaramada Midoobay   Waddamada soo koraya ee Caalamka.

Ilwaad oo haysata dhalashada Dalka Kanada ayaa Boggeeda Instagram-ka kusoo qortay sida ay ugu faraxsan tahay in xilkan loo Magacaabo.

Gabadhan oo 28 jir ah ayaa ku dhalatay Magaalada Muqdisho iyadoo ku barbaartay Dalka Kanada dhalashana ka qaadatay halkaas, waxanay ka mid tahay 4 Gabdhood oo uu dhalay Nabad jirahii weynaa ee Elman Cali Axmed.

Ilwaad iyo Hooyadeed Fartuun Aadan ayaa waxay ka mid yihiin howl-wadeennada sare ee hay’adda Nabadda iyo xuquuqul Insaanka ee Elman (Elman Peace and Human Rights Center) oo uu fadhigeedu yahay Muqdisho.