Ilhaan Cumar oo Soomaali Mareykanka ah ayaa loo dhaariyay Aqalka Wakiilada Mareykanka toddobaadkaan. Waa qofkii ugu horyeeyay oo Soomaali oo ka mid noqda Aqalka sharci dajinta Mareykanka.
Kaddib markii ay ka mid noqotay tiro haween ah oo si wacdaro ah ugu guuleystay Aqalka wakiiladda Mareykanka, ayay haddana sii waday taarikhda ay sameneyso.
Ilhaan oo ka mid ah labo haween oo Muslin ah oo loo doortay Aqalka wakiilada ayaa si gaar u noqotay haweyneydii ugu horreysay ee xijaaban ee ku biirta congreeska Mareykanka.
Ilhan oo 34 jir ah ayaa khamiistii la dhaariyay ayaa sidoo kale noqoneysa qofkii ugu horreeyay ee Soomaali ee ku biira golaha sharci dajinta Mareykanka.
Xubnaha dimuqraadiga ee dhawaan la doortay ayaa ogolaaday in sharci dajiyaasha qaar ay qaadan karaan hagoog ama xijaab, taas oo meesha ka saareeysa sharci jiray 118 sano oo mamnuucayay in Aqalka wakiilada lagu dhex wato wax hagoog ama xijaab ah.
Ilhaan Cumar ayaa inta aan la dhaarin ka hor barteeda twitterka ku bogaadisay doorashadeeda oo tiri sidaan.
23 years ago, from a refugee camp in Kenya, my father and I arrived at an airport in Washington DC.
Today, we return to that same airport on the eve of my swearing in as the first Somali-American in Congress. #Hope #Ilhan 🙏🏾 pic.twitter.com/jVeP3DOipN
— Ilhan Omar (@IlhanMN) January 2, 2019
“23 sanno ka hor ayaan aniga iyo aabaheey oo ka nimdi xeryo qaxooti dalkaan ka soo galnay garoon ku yaalla magaalada Washington, isla garoonkaas ayaana maanta ku noqoneynaa anigoo u socda in la ii dhaariyo sharci dajiyihii ugu horreeyay ee Soomaaliyeed ee ku biira aqalka wakiilada Mareykanka”
Ilhaan ayaa la kulantay dhaliil nacayb xambaarsan kaddib markii nin wadaad masiixi ah oo faaleeye ah uu si weyn u weeraray.
Wadaadka masiixiga ee E.W.Jackson ayaa sheegay in Aqalka wakiilada Mareykanka uu ekaan doono Jamhuuriyad islaami ah. Waxan nahay dal masiixi ah oo ku saleysan masiixinimo cid kasta oo aanan rabina waa in ay meel kale aadaan oo aysan dalkeena badalin iyaga oo ka dhigaya Jamhuuriyad Islamaali oo ku saleysan shareeco. Ayuu yiri E .W.Jackson.
Ilhaan ayaa si damaqasho ah ugu jawaabtay iyada oo tiri “Mudane Aqalka waxa uu u ekaan doonaa Mareykanka waana inaad aqbashaa”
Aqalka wakiilada ee 116aad ayaa noqonaya midka ugu kala duwanaasha badan xagga isirka iyo qowmiyadaha oo waxa ku wada jira xubno u badan haween oo kala metalaya dadwyow kala geddisan dhanka midabka iyo diimaha.