Ilaaladda Xeebaha dalka Liibiya oo qabtay doomo ay ku safrayeen tahriibayaal Carab iyo Afrikaan iskugu jira

780

Ciidamada ilaalada xeebaha dalka Liibiya ayaa gacanta ku dhigay laba Doomood ay siday 152 muhaajiriin Afrikan iyo Carab isugu jiray, kuwaasi oo ku safrayay Badda Mediterranean-ka.

Ciidamada ayaa marka hore istaajiyay Doomahaasi oo kala marayay xeebaha galbeedka degmada Suwara ee dalka Liibiya iyo magaaladda caasimadda ah ee Tripoli, sida ay sheegeen saraakiil ka tirsan kuwa ilaalada Xeebaha ee dalkaasi.

Tahriibayaashan ayaa la sheegay in ay ku jiraan haween iyo caruur, kuwaasi oo ku wajahnaa dalalka Yurub, waxaana muhaajiriintani oo bad qaba loo qaaday xarunta ciidamada Badda Liibiya, halkaas oo haatan lagu hayo.

Dalka Liibiya ayaa noqday marinka ugu weyn oo ay ku qulqulaan tahriibayaasha ka baxasanaya cadaadisyada iyo colaadaha ka jira dalalkooda,  iyadoona kuwooda gafa Magafayaasha ay safar halis ah ku galaan Badda Mediterranean-ka.