Dowladda Iiraan ayaa markeeda ayaduna soo saartay shuruudo uu Ku ski jiri karo heshiiskii Niyukleerka ee dhexmaray quwadaha Caalamka iyo Iiraan kaasi oo dhowaan ay isaga baxday dowladda Maraykanka.
Hogaamiyaha Sare ee dalka Iiraan Aayaatullah Cali Khumayni oo qoraal soo dhigay Website-kiisa gaarka ah ayaa dowladaha reer Yurub usoo bandhigay Shuruudo uu sheegay in uu Ku badbaadi karo heshiiskii Niyukleerka.
Shuruudaha waxaa ka mid ah in Germany, France, UK iyo midowga Yurub ay Iiraan u xaqiijiyaan in ganacsiga dalka Iiraan gaar ahaan Saliidda/Shidaalka uu dunida ka iibiyo inaanu saamayn ka bixitaanka Maraykanka uu ka baxay heshiiska.
” Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Iiraan ma doonayso inay dagaal Ku bilowdo Jarmalka, Ingiriiska iyo Faransiiska, laakiin, sidaa oo ay tahay haddana Jamhuuriyadda Islaamiga ma aaminayso Saddexdaan dowladood” ayuu sheegay Khumayni.
Shuruudaha waxaa kale oo ka mid ah in dowladaha reer Yurub aan kasoo hadal barnaamijka Gantaalada Bolistikada ah ee dalka Iiraan islamarkaana aan sidoo kale kasoo hadlin wax dib u bilaabasho waan waan ah oo Ku aadan heshiis kale oo Iiraan lala galo.