Dowladda Maraykanka ayaa Iiraan usoo bandhigtay inay kasoo baxdo 12 qodob.
Xoghayaha cusub ee arrimaha dibadda ee dalka Maraykanka Mike Pampeo, ayaa soo bandhigay siyaasaddiisa Ku aadan dalka Iiraan, isagoo soo bandhigay 12 sharuudood.
Mike Pampeo, oo shuruudaha 12-ka ah Ku dhawaaqay xili uu khudbad ka jeedinayay xarunta Heritage Foundation oo Ku taala magaalada Washington DC.
Shuruudaha ayaa kala ah:-
1- inay ogolaato in hay’adda Atoomikada Adduunka International Atomic Energy Agency (IAEA) inay Kala xisaabtanto barnaamijyadeeda militari iyo midda Niyukleerka
2- inay iska dayso gaaritaankeeda Uranium-ta islamarkaana aanu isku dayin marna inay hormariso maadada Niyukleerka laga sameeyo ee la yirahdo plutonium
3- inay IAEA-da u ogolaato inay gaarto dhammaan xarumaheeda Niyukleerka
4- inay joojiso barnaamijkeeda Gantaalada Balastikada ah islamarkaana ay hakiso tijaabooyinka gantaalada, sidoo kalena aysan samaysan madaxyada gantaalada xambaari kara Niyukleerka
5- inay sii dayso dhammaan maxaabuusta Amerikanka ah iyo kuwa bahwadaagta iyo xulafada Maraykanka
6- inay joojiso taageerada kooxaha Xamaas, Xizbullah iyo Islamic Jihad
7- Inay Ilaaliso Madaxbanaanida Qaran ee dalka Ciraaq islamarkaana hub ka dhigis Ku samayso maleeshiyada Shiicada ah ee dalka Ciraaq
8- Inay joojiso taagerada militari ee ay siiso kooxda Xuuthiyiinta Yemen kana shaqayso nabadda iyo siyaasad xal ugu raadinta Yemen
9- Inay dalka Suuriya kala baxdo dhammaan kooxaha militari ee hoos yimaada taliskeeda
10- Inay joojiso taageerada ay siiso kooxaha ka dagaalama dalka Afghanistan islamarkaana ay joojiso magangalyo siinta hogaamiyaasha Al-Qaacida
11:- Inay soo afjarto ciidamada ilaalada Kacaanka Jamhuuriyadda Islaamiga islamarkaana ay joojiso taageerada ay siiso maleeshiyaadka kala duwan ee Caalamka
12:- Inay joojiso dabeecadaheeda hanjabaadda Ku dhisan ee ay Ku hayso dowladaha dariskeeda ah oo ay Ku jiraan Sacuudi Carabiya, Imaaraadka Carabta iyo Israel.