Madaxwaynayaasha dalalka Turkiga iyo Iiraan ayaa ka wada hadlay xaaladihii ugu dambeeyay ee dalka Suuriya.
Wakaaladda Wararka dalka Turkiga Anadolu News Agency ayaa Ku warantay in madaxwaynaha dalka Turkiga Recep Tayyip Erdogan iyo madaxwaynaha dalka Iiraan Xasan Rouxaani ay maanta qadka telfoonka Ku wada hadleen.
Labada hogaamiye ayaa la sheegay in ay ka wada hadleen xiriirka lava geesoodka ah ee labada dal iyo xaaladihii ugu dambeeyay ee ka soo cusboonaaday dalka Suuriya.
Erdogan, ayaa dhiggiisa dalka Iiraan u sheegay in inkastoo uu taageersan yahay duqayntii ugu dambaysay ee Maraykanka, Ingiriiska iyo Faransiiska ay Ku qaadeen dalka Suuriya haddana uu aaminsan yahay in ay tahay in Ruushka, Turkiga iyo Iiraan ay si wadajir ah uga shaqeeyaan sidii loo sii wadi lahaa wada xaajoodka nabadeed ee Astana.
Inkastoo ay Ku kala aragti duwan yihiin Arrimaha Suuriya haddana LA badan dal waa Iiraan iyo Turkigee waxaa ka dhaxeeya cilaaqaad qoto dheer.
Maraykanka iyo Xulafadiisa ayaa dhowaan duqeeyay dalka Suuriya taasi oo ay sheegeen inay jawaab u ahayd hub kiimiko ah oo lagu isticmaalay weerar ka dhacay magaalada Duma, kaasi oo lagu eedeeyay inuu ka dambeeyay dowladda Bishaar al-Asad-ka dalka Suuriya.
Turkiga ayaa weerarka soo dhoweeyay halka Iiraan ay weerarkaasi Ku tilmaantay dambi halis ah oo laga galay dalka reer Suuriya.