Kumanaan dad waynaha dalka Iiraan ayaa dibad-baxyo ballaaran ka dhigay caasimadda dalkaasi ee Tehran, kaasi oo ay kaga soo hor-jeedaan go’aankii madaxwaynaha dalka Maraykanka Donald Trump uu kaga baxay heshiiskii Caalamiga ah ee Niyukleerka dalkaasi Iiraan.
Dibad-baxyaasha ayaa waxaa ay ku dhawaaqayeen halkudhigyo kaa dhan ah dowladda Maraykanka ayagoo sidoo kale gubayay calanka dalka Maraykanka.
Waxaa ay ku dhawaaqayeen ‘’Ha dhaco Maraykanka, Ha dhaco Trump’’ waxaa ay tilmaamayeen in go’aanka Trump uu yahay mid waxba kama jiraan ah.
Madaxwaynaha dalka Maraykanka Donald Trump, ayaa dhowaan ku dhawaaqay in Maraykanka uu ka baxay heshiiskii quwadaha Shanta ah ee Golaha Ammaanka ee QM, Jarmalka iyo Iiraan u dhaxeeyay kaasi oo heshiis looga gaaray barnaamijka Niyukleerka dalka Iiraan.
Dowladaha Ruushka, Faransiiska, Britain, Jarmalka iyo Shiinaha ayaa sheegay inay heshiiska baaqi ku sii ahaan doonaan inkastoo dhibaato dhanka dhaqaalaha ah ay kala kulmi karaan dowladda Maraykanka oo sheegtay inay cunaha qaban doonto cid kasta oo xiriirisa dowladda Iiraan.