IGAD: Waa in dib loo furo wadahadallada u dhexeeya saamilleyda siyaasadda Soomaaliya

630

Djibouti: Uruur Goboleedka IGAD ayaa soo dhaweeyey hindisaha la soo jeediyey ee ah in dib loo furo wadahadallada u dhexeeya saamilleyda siyaasadda Soomaaliya si loo xalliyo ismariwaaga siyaasadeed ee socda kaasi oo ka dhashay arrimaha doorashada.

“Wadahadalku waa geedi socod muhiim ah oo bixiya boos kalsooni iyo kalsooni dhisid, waana shuruud aasaasi u ah dhammaystirka dhammaan arrimaha taagan. IGAD waxay ku boorinaysaa dhamaan daneeyayaasha inay fursad siiyaan hindisahan cusub, ayna dib ugu laabtaan wadahadal furan, waji furan oo wax ku ool ah oo dan u ah dadka Soomaaliyeed iyo iyadoo la doonayo in la furo isbadalka siyaasadeed”. Ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay IGAD.

IGAD ayaa mar kale ku celisay in wadahadalku uu weli yahay midka ugu fiican ee isku-imaatinka qaran, siyaasad loo dhan yahay, dhismaha nabadda, dib-u-heshiisiinta, amniga aadanaha iyo xasilloonida.

“IGAD waxay si xoogan ugu boorinaysaa dhamaan hogaamiyaasha Soomaalida inay is xakameeyaan oo ay ka fogaadaan talaabooyinka sii kordhin kara xiisada ama keeni kara iska horimaad; iyadoo tan laga hadlayo, waxay ugu baaqeysaa dhammaan saamileyda inay mudnaanta siiyaan wadahadalka himiladooda siyaasadeed”. Ayaa lagu xusay qoraalka.

IGAD waxa ay sheegtay in ay qadarineyso doorka muhiimka ah ee ka qeybgalka dhinacyada badan ee xoojinta isku xirnaanshaha siyaasadeed iyo dib u heshiisiinta, ilaa tan tanna, waxay diyaar u tahay inay ka faa’iideysato xafiisyadeeda wanaagsan si ay u taageeraan hindisaha Midowga Afrika ee la soo jeediyay.

Sidoo kale IGAD waxa ay sheegtay in ay sii wadi doonto inay taageerto dadka Soomaaliyeed ee raadinaya nabadda, dimuqraadiyadda iyo xasilloonida.

Warka soo baxay IGAD ayaa imaanaya kaddib markii dhawaan uu Madaxweyne Farmaajo magaalada Kinshaasa kula kulmay Madaxweynaha Koongo Felix Tshisekedi kaasi oo uu ka codsaday inuu fududeeyo wadahadal dhexmara Saamilleyda siyaasadda ee isku haya arrimaha Doorashooyinka Soomaaliya.