Muqdisho (UM) – Urur Goboleedka IGad ayaa si rasmi ah usoo gabagabeeyay shaqadii uu hayay Col Gabre taas oo aheyd la taliye sare ee dhinaca siyaasadda.
Warqad kasoo baxday xogheynta ururka IGad oo uu ku saxiixnaa xogahaya ururka IGAD Maxbuub Macalin, kuna taariikheysned 25ka bishaan Juun ayaa lagu sheegay in la taliye sare oo dhinaca siyaasada ah laguna magacaabo Col Gebregzhabar gabi ahaanba la joojiyay shaqadii uu ka hayay Soomaaliya.
Warqadda laguma xusin sababta Col shaqada looga joojiyay, laakiin ilo xog ogaal ah ayaa ummadda media u xaqiijiyay in col Gebra iyo todobo sarkaal oo kale kuwaas oo ka shaqeynayay xafiiska IGAD ee Soomaaliya shaqada looga joojiyay markii ay si toos ah ugu lug yeesheen siyaasadda Soomaaliya.
Col Gabre ayaa in badan ku lug lahaa siyaasadda gudaha Soomaaliya isaga oo tusaale u noqday faragalinta shisheeyaha ee Soomaaliya.
Waa tanaa warqaddii kasoo baxday xogheynta urur goboleedka IGAD.