Guddoomiyihii Maxkamadda Sare ee dalka Ibraahim Iidle Suleymaan oo wareysi siiyay VOA-da ayaa ka soo horjeestay xilka qaaditii uu ku sameeyay Madaxweynaha Soomaaliya.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa shalay xil ka qaadis ku sameeyay Guddoomiyahii Maxakamadda Sare ee dalka Ibraahim Iidle Suleymaan, waxa uuna xilkaas u magacaabay Garyaqaan Baashe Yuusuf Axmed.
Madaxweynaha oo tixgalinaya cabashada muwaadiniinta Soomaaliyeed, garsoorayaasha, hawl-wadeennada garsoorka iyo xirfadleyaasha sharciga ee la xiriira in la helo garsoor hufan oo caddaalad ah, ayaa go’aansaday in dib u habeyn ballaaran lagu sameeyo hay’adaha garsoorka si muwaadiniinta Soomaaliyeed ay u helaan garsoor hufan oo la isku halleyn karo.
Ibraahim Iidle ayaa sheegay in Dastuurka uu dhigayo kala qeybsanaanta awoodaha, garsoorkana uu ka madax banaan yahay laamaha kale ee dowladda, isaga oo sidoo kale sheegay in xilka qaadistiisa aanan loo marin sifo sharci ah, sidaasi darteedna uu wadan doono shaqadiisa.
“Aniga oo ixtiraamaya Madaxweynaha, iyo Dastuurka KMG ah ee dalka, waxaan halkan ka cadeynayaa in Dastuurka uu dhigayo kala qeybsanaanta awoodaha, xilka qaadisteyda looma marin sifo sharci ah, sidaasi darteed shaqadeyda ayaan sii wadanayaa, Guddoomiyaha waxyaabaha uu xilkiisa kaga fariisan karo waxaa ka mid ah in da’diisa ay gaarto 65 sano.” Ayuu yiri Iidle.
Wuxuu sheegay in Madaxweynaha iyo isaga ay isugu dambeysay Khamiistii oo ay ka wada hadleen arrimo la xiriira garsoorka, wuxuuna tilmaamay in dhammaan laamaha garsoorka iyo shacabka Soomaaliyeed uu ogeysiinayo in inuu shaqada ay sideeda ku socon doonto.
Hadii Ibraahim Iidle Suleymaan uu ku adkeysto inuu weli yahay Gudoomiyaha Maxkamadda Sare ee dalka, waxay arrintu u muuqaneysaa inuu dhici karo khilaaf dhexmara hay’adaha dowladda, dadka falanqeeya arrimaha siyaasadda ayaa ku taliyay in ay muhiim tahay hawshan in si hoose loo dhameeyo.
Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa bartamihii 2016-kii wuxuu xilka ka qaaday Caydiid Cabdullaahi Ilka-xanaf oo ahaa Guddoomiyaha Maxkamadda Sare, iyada oo waqtigaasi xilkaasi loo magacaabay Ibraahim Iidle Suleymaan oo muddo laba sano ah maamulayay Maxkamadda Sare ee dalka.