Laamaha ammaanka ee dowladda federal ka ah ee Soomaaliya ayaa magaalada Muqdisho ku soo bandhigay Hub, Maandooriyaal iyo agabyo kale, kuwaasi oo la sheegay in lagu soo qabtay howlgaladii ugu dambeeyay ee laga fuliyay qaar ka mid ah degmooyinka Gobalka Banaadir.
Waxaa lagu soo bandhigay dugsiga tababarka ciidamada booliiska Soomaaliyeed ee General Kaahiye ee magaalada caasimadda ah ee Muqdisho.
Goobta lagu soo bandhigayay waxaa goobjoog ka ahaa wasiirka Amniga ee xukuumadda Soomaaliya Maxamed Abuukar Is low iyo taliyaal ciidan.
Wasiirka Amniga ayaa goobta ka sheegay in ciidamada ammaanka sidoo kale ay gacanta Ku soo dhigeen dadkii iska lahaa Hubka iyo Maandooriyaasha.
Hoos ka arag sawirada hubka iyo daroogada lasoo bandhigay.