HRW oo ku baaqday in la baaro dambiyadii Abuu Mansuur uu galay xiligiisa al-shabaab

738

Hay’adda u dooda Xuquuquda Aadanaha ee Human Rights Watch ayaa ugu baaqday dowladda Federaalka inay baarto dambiyo ka dhan ah aadanaha oo  alshabaab gashay iyo doorkii uu Sheekh Mukhtaar Roobow Abuu Mansuur, kaddib markii shalay uu Muqdisho kaga dhawaaqay inuu si rasmi ah uga baxay al-shabaab.

Waxaa ay sheegtay in Mukhtaar Roobow uu door hoggaamineed ku lahaa weeraro ay geysatay Al-Shabaa, carruur lagu qasbay in la askareeyo iyo tacadiyo kale oo lagu sameeyay dadka Ku nool deegaanada ay maamulayeen ururka al-Shabaab.

“Waa in dowladda Soomaaliya ay baaritaan ku sameysaa doorkii Roobow, ayna xaqiijisaa kuwii ka dambeeyay dambiyadaas tacadiyadii foosha xumaa ee aanay awooda u laheyn inay ka baxsadaan Cadaaladda” ay lagu yiri qoraal kooban oo ay soo saartay Human Rights Watch.

Mukhtaar Roobow oo shalay Wariyeyaasha kula hadlayay Muqdisho ayaa sheegay inuu isaga baxay Al-Shabaab 5 sano ka hor, isagoo caddeeyay in dowladda Soomaaliya uu marti ugu yahay Muqdisho, isla markaana uu wada hadal u socdo.

War kasoo baxay dowladda federal ka ah ee Soomaaliya ayaa lagu sheegay in dowladda ay soo dhowaynayso ka bixitaanka Mukhtaar Roobow uu kaga baxay Al-Shabaab.

SHARE