Ergayga u qaabilsan Mareykanka wadahadalada lagula jiro ururka Taliban ee ka dagaalama dalka Afganistan ayaa sheegay in horumaro laga sameeyay wadahalada lixdii bari oo ugu danbeeyay caasimadda dalka Qadar ku dhexmaray wakiilo ka socda Taliban iyo ergyaga Mareykanka ee Afghanistaan Zalmay Khalil Zad.
Zalmay Khalil Zad ayaa bartiisa Twitterka war uu soo dhigay waxa uu ku sheegay in wadahadaladu ay ahaayeen kuwa waxtar ah oo ka geddisan kuwii hore.
Dhanka kale Taliban ayaa sheegtay in arrimo ka mid yihiin ka bixitaanka ciidanka ajnabiga laga sameeyay horumar.
Afhayeenka Taliban Zabibulah Mujaahid ayaa war qoraal ah oo Aljazeera ay heshay waxa uu ku caddeeyay in bixitaanka ciidanka shisheeye oo aann la isla meel dhigin aan wax kale horumar laga gaari karin.
Zabibulah Mujahid ayaa beeniyay in ay heshiis xabad joojin la gaareen Mareykanka, waxaana uu sheegay in wararkaas iyo war kale oo tilmaamaya in ay la kulmeen madaxa sirdoonka Afghanistaan uu yahay mid been abuur ah.
Goor sii horreysay ayay wakaaladda wararka Reuters oo soo xiganeysa ilo ka tirsan Taliban waxa ay sheegtay in Mareykanka iyo Taliban ay heshiis hor dhac gaareen. Heshiiskaas ayaa waxaa beeniyay ergayga Mareykanka ee Afghanistaan Zalmay Khalil Zad.
Taliban iyo Mareykanka ayaa waxaa u socda wadahadlo ku aaddan sidii loo soo afjari lahaa dagaalka 17 jirsaday ee ka socda dalka Afghanistaan.
Kulamo kal geddisan ayaa horay u dhexmaray labada dhinac mana jirto heshiis rasmi ah oo laga gaaray waxyaabaha la isku hayo sida in ciidanku baxaan, xayiraadda saran Taliban iyo xabad joojin la gaaro.
Dowladda Afghanistaan ayaa ilaa iyo hadda bannaan joog ka ah wadahadalada u dhaxeeya Mareykanka iyo Taliban.