Hooyo Soomaaliyeed ayaa waxaa lagu rasaaseeyay magaalada Columbus ee gobolka Ohio dalka Mareykanka, sida ay baahiyeen warbaahinta gudaha dalkaasi Mareykanka.
Hooyadan ayaa waxaa rasaasta lagu furay xilli ay ka soo baxeysay shaqadeeda, iyada oo ku sii jeeday guriga ay ka degan tahay magaalada Columbus.
Nin cadaan ah oo watay gaari ayaa la sheegay in uu ila soo simay gaari kale oo ay wadatay maamada, kadibna uu rasaas ooda kaga qaaday, balse Hooyada Soomaaliyeed ayaanan istaajin gaariga ilaa ay ka gaarto gurigeeda.
Ninkan ayaa rasaas tiro badan ku furay Haweeneyda, dhaawac ayaana soo gaaray, waxaana ay hada ku jirtaa isbitaal ku yaalla Columbus, halkaasi oo ay ku booqdeen Soomaali badan oo ay ka mid yihiin dad ay qaraabo dhow yihiin.
Hooyadan oo aan magaceeda la sheegin ayaa waxaa qeybaha dhexe ee jirkeeda ka soo gaaray dhaawac culus, inkastoo hada dhaqaatiirta ay wadaan samata bixinta dhaawaceeda.
Dhacdadan ayaa ah midii Afaraad oo lagu dhibaateeyo Haweenka Soomaaliyeed ee ku nool gobolka Ohio ee dalka Mareykanka, iyaga oo lagu midab takoorayo diinta Islaamka iyo dharkooda ay xirtaan.