Madaxweynaha dalka Kazkhistaan Nursultan Nazarbayev oo xukumayay dalka Kazikhstan tan iyo intii uu dalkaas ka baxay Midowgii Soviet horraantii sagaashanaadkii ayaa iscasilay.
Khudbad laga baahiyay Telefishinka ayuu ku sheegay in go’aanka uu qaatay uu adkaa, hase ahaate uu sidaa u sameeyay si uu gacan uga geysto in ay soo baxaan hoggaamiyaal jiilka cusub ah.
Nazarbayev oo 78 jir ah ayaa ahaa hoggaamiyaha kaliya ee dalka saliidda hodanka ku ah tan iyo 1989kii.
Nazarvayev hoggaamiyihii muddada dheer ee dalka Kazhistan ayaa sii heysan doona awoodda inta badan isaga oo ahaan doona madaxa xisbiga talada haya.Waxa kale oo uu guddoomiye u noqonayaa golaha amniga dalka Kazhistan,isaga oo lahaan doona awoodda go’aaminta siyaasadda gudaha iyo tan dibadda.
Nazarbayev hoggaamiyaha xilka ka degaya ee dalka Kazhistaan ayaa sheegay in guddoomiyaha aqalka sare uu sii ahaan doono ku simaha Madaxweynaha inta ka harsan muddo xileedkiisa oo ku eg bisha April ee sannadka 2020.
Dad badan ayaa filayay in hoggaamiyaha Kazhistaan oo horay u ahaan jiray shaqaale warshadda birta uu u tartami doono in la doorto mar kale maadaama uusan marnaba muujin cidda badaleysa.
Ku dhawaaqista go’aanka cusub ayaa imaaneysa iyada oo dhawaan uu Madaxweynaha Kazhistaan kala diray xukumaddii dalkaas kaddib markii lagu eedeeyay in ay ku guuldareysatay wax ka qabashada dhaqaalaha dalkaas oo hoos u dhac xooggani uu ku yimid.