Hoggaamiyeyaasha axsaabta Midig-Fog ee guud ahaan dalalka Yurub ayaa isugu tagaya caasimadda Czech ee dalka Prague, oo ay ku leeyihiin shir ay uga wadahadlayaan fursadaha Midowga Yurub.
Hoggaamiyeyaasha lgu wado inay ka qeybgalaan shirkaan ayaa kala ah hoggaamiyaha xisbiga Qaran ee Faransiiska Marine Le Pen, iyo rug-cadaaga siyaasadeed ee u dhashay dalka Holand ee Geert Wilders.
Ku dhawaad kun ergo oo matalaya axsaabta duwan oo ka kala socda 9 dal oo Yurub ah ayaa la filayaa inay ka qeybgalaan shirka, kaasi oo halka uu ka dhacayo ammniga aad loo adkeeyay.
Hoggaamiyeyaashan axsaabta Midig-Fog ayaa ku mideysan aragtiyadooda ka dhanka ah socdaalka muhaajiriinta, Islaamka iyo fara-galinta arrimaha Midowga Yurub.
Shirkan ayaa waxaa soo qabanqaabiyay kooxda baarlamaanka Yurub ee loo yaqaano Europe of Nations and Freedom, oo la aas-aasay laba sano kahor.
BBC Somali