Hoggaamiyeyaasha labada Kuuriya oo yeelanaya kulan taariikhi ah

697
Waa kulankii ugu horreeyay oo Hoggaamiye Kuuriyada Waqooyi ka socda uu la yeesho ,dhiggiisa Kuuriyada Koonfureed tan iyo markii uu dhammaday dagaalkii labada Kuuriya sanadkii 1953-dii. Sawirka: Getty Images

Hoggaamiyaha Kuuriyada Waqooyi Kim Jong-un ayaa la kulmaya jimcaha soo socda Madaxweynaha Kuuriyada Koonfureed.

Kim Jong-un ayaa noqonaya Hoggaamiyihii ugu horreeyay oo Kuuriyada Waqooyi ah oo xadka Kuuriyada Koonfureed ka soo talaaba ama ka soo gudba tan iyo markii uu dhammaaday dagaalkii labada Kuuriya ee sanadkii 1953-dii.

Madaxweynaha, Kuuriyada Koonfureed Moon Jae-in ayaa sheegay uu si shakhsi ahaan ah ula kulmi doono Xuduuda Hoggaamiyaha Kuuriyada Waqooyi Mr Kim marka ay tahay saacada maxaliga ah sagaalka iyo barka subaxnimo (09:30).

Kulanka labada Hoggaamiye ayaa la filayaa in ay diirada ku saaraan, rajada laga qabo in Kuuriyada Waqooyi ay joojiso barnaamijkeeda hubka Nuyuukleerka ah.

Kuuriyadda Waqooyi ayaa dhawr toddobaadka ka hor ku dhawaaqday in ay joojinayso tijaabinta gantaallaha iyadoo sidoo kale sheegtay in ay xirayso xarunta tijaabada gantaallaha ee waddankaasi. Mareykanka ayaa soo dhaweeyay tallabaada Kuuriyada Waqooyi.

Arrinti ayaa imanaysa iyadoo sidoo kalena la sheegay in ay duntay goobtii gantaalaha hubka Nukyuukleerka Kuuriyada Waqooyi ay ka tijaabin jirtay.

Waa kulankii ugu horreeyay oo Hoggaamiye Kuuriyada Waqooyi ka socda uu la yeesho dhiggiisa Kuuriyada Koonfureed tan iyo markii uu dhammaday dagaalkii labada Kuuriya sanadkii 1953-dii.