Hoggaamiyeyaasha Kuuriyada Waqooyi iyo Kuuriyada Koonfureed ku kulmay xadka milateriga ka caagan ee u dhaxeeya labada dal.
Kulankaan ayaa ah kaliya midkii labaad oo u dhaxeeya Madaxweynaha Kuuriyada Koonfureed Moon Jae-in iyo Hoggaamiyaha Kuuriyada Waqooyi Kim Jong-un.
Kulanka ayaa ku soo aaday iyada labada dhinac ay waddaan dadaalka lagu doonayo in lagu soo celiyo shirka taarikhi ah ee u dhaxeeya Mareykanka iyo Kuuriyada Waqooyi.
Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa baajiyay kulanka la qorsheeyay in dalka Singapore in ka dhaco 12ka June, lakiin kaddib soo jeediyay in ay jirto suurtagalnimo ah in Shirkani dhici karo.
Madaxweynaha Kuuriyada Koonfureed oo ku sugan dalka Mareykanka ayaa la kulmay Madaxweyne Donald Trump, isagoo ka wadahadal sidii uu u qabsoomi lahaa kulan horrey loo qorsheeyay. Madaxweyne Moon Jae-in Kuuriyada Koonfureed ayaa la sheegay in Axda (Berri) uu shaacin doono natiijada ka soo baxda wahadalka uu la yeeshay Madaxweyne Trump.
Washington, afhayeenka Aqalka Cad Sarah Sanders ayaa xaqiijisay koox horu dhaca ah oo ay ku jiraan saraakiil ka tirsan waaxda arrimaha dibedda ay tagayaan dalka Singapore toddobaadkaan si ay u diyaariyaan suragalnimada ah in kulanka horrey loo qorsheeyay uu dhaco.
Madaxweyne Donald Trump ayaa khamiistii si lama filaan ugu dhawaaqay inuu ka baxay kulanka la qorsheeyay ee dhexmari lahaa isaga iyo Hoggaamiyaha Kuuriyada Waqooyi Kim Jong-un, isagoo ku eedeeyay Xukuumadda Kuuriyada Waqooyi ”caradada xooga leh iyo cadaawad aan la qarsan karin” oo ay muujisay.