Hoggaamiyeyaasha caalamka oo qabanaya shir dhaqaale loogu aruurinayo Beyruut

135
Hoggaamiyeyaasha caalamka oo qabanaya shir dhaqaale loogu aruurinayo Beyruut. Sawirka/ BBC News

Hogaamiyaasha caalamka ah ayaa wadahadalo la yeelan doona maanta (Axada) si kor loogu qaado gargaarka magaalada Beirut, shan maalmood kadib qaraxii weynaa ee burburay caasimada Lubnaan.

Shirka oo ku dhici doono habka fogaan araga ee Internet-ka- oo ay qabanqaabiyeen Faransiiska iyo Qaramada Midoobay – ayaa bilaamaya 14:00 waqtiga Lubnaan.

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa sheegay inuu qorsheynayo inuu ku biiro shirkaan.

Masuuliyiin dalka Lubnaan ayaa ku qiyaasey khasaaraha qaraxa ka dhacay bakhaarka lagu keydiyay 2,000 kun oo tan oo walxaha amooniyam ah loo yaqaano, inuu gaaray illaa 15 bilyan doollarka Mareykankan ah.

Qaraxa waxaa ku dhintay ugu yaraan 158 qof, 5,000 kun oo kale waa ku dhaawacmeen iyadoo 300,000 kun qof ay guri la’aan ku dhacday.

Waxaa uu ahaa qaraxii ugu waynaa ee ka dhaca ee Caasimadda Lubnaan ee Beyruut taariikhada. Qaraxaan ayaa dhacay iyadoo Lubnaan ay la daallaa dhacayso qalalaase dhaqaale, mid siyaasadeed iyo cudurka safmarka ah ee Covid-19.

SHARE