Hoggaamiyaha mucaaradka Venezuela ee iskiis igu dhawaaqay madaxweynaha ku meel gaarka ah ee dalkaasi Juan Guaidó ayaa ku baaqay dibadbaxyo balaaran isagoo ku dhawaaqay inuu ku laabanayo dalka ay qalalasaha hareeyeen.
“Waxaan ugu baaqayaa dadka reer Venezuela in ay isugu soo baxaan dalka oo dhan berri saacadu marka ay tahay 11 subaxnimo,” ayuu ku yiri war qoraalah oo uu soo dhigay bartiisa twitter-ka
Mr Guaidó, oo ay aqoonsadeen ugu yaraan 50 waddan, ayaa ugu baaqay madaxweyne Nicolás Maduro inuu iscasilo.
Laakiin Mr Maduro ayaa ku adkaysanaya inuu yahay madaxweyanaha sharciga ah,isaga oo taageero ka helaya Shiinaha, Ruushka iyo Kuuba.
Hadda ma cadda sida uu ugu laaban doono Venezuela, iyo talaabada uu Mr Maduro qaadan doono haddii uu sameeyo.
Maxkamadda Sare ayaa ku soo rogtay xayiraad dhanka safarka ah Mr Guaidó kaddib markii uu ku dhawaaqay inuu yahay madaxweynaha ku meel gaarka ah.
Madaxa siyaasadda arrimaha dibadda ee Midowga Yurub Federica Mogherini ayaa sidoo kale sheegtay in wax kasta oo khatar ah oo loo geysto Mr Guaidó ” ay keeni doonto xiisad weyn oo sii kororta” taasi oo horseedi doonto cambaareyn caalami ah.


























