Hoggaamiyaha Kuuriyadda Waqooyi oo booqasho ku jooga Shiinaha

92
Hoggaamiyaha Kuuriyadda Kim Jong-un waa booqashadii afaraad ee uu ku tago Shiinaha muddo sanad ka yar. Sawirka: (KCNA/Reuters)

Madaxweynaha Kuuriyada Waqooyi Kim Jong-un ayaa booqasho aan horrey loo shaacin ku tagay magaalada Beijing ee Caasimadda Shiinaha, kaddib casuumad uu ka helay Madaxweynaha Shiinaha Xi Jinping.

Mr Kim ayaa joogi doono Shiinaha ilaa iyo 10 bisha January isagoo oo ay wehliso xaaskiisa Ri Sol-ju, sida ay tabisay warbaahinta dowladda.

Booqashadaan ayaa waxa ay imaanaysaa iyada oo ay jiraan warar sheegaya inuu socdo wada xaajoodka ku saabsan wadahadal labaad oo dhexeeya Mr Kim iyo madaxweynaha Mareykanka Donald Trump.

Mr Kim iyo Trump waxa ay kulmeen bishii June ee sanadkii hore, kulankii ugu horyeeyay ee nuuciisa ah oo madaxweyne Mareykanka ah la yeesho hoggaamiye Kuuriyadda Waqooyi ah.

Mr Kim waxaa booqashadiisa ku wehliya mas’uuliyiin sarsare oo ka socda Kuuriyada Waqooyi, waa booqashadiisii afaarad ee uu ku tago Shiinaha wax ka yar muddo sanad ah.

SHARE