Hoggaamiyaha Kuuriyada Waqooyi oo warqad ku weydiistay la kulanka Trump

855

Madaxweynaha dalka Maraykanka Donald Trump ayaa warqad ka helay madaxweynaha Kuuriyada Waqooyi taas oo ku weydiistay kulan labaad oo dhexmara labada hoggaamiye. Sidaas waxaa isniintii sheegtay afhayeenka  aqalka cad Sarah Sanders.

Labada dal ayaa waxaa u socda wadahadalo la xiriira hubka Nukliyeerka ee Waqooyiga Kuuriya tan iyo intii labada hoggaamiye ay ku kulmeen dalka Singapore bishii June. Suurtagalnimada kulanka labaad ee labada madaxweyne ayaan caddeyn, ha yeeshe waxaa taasi riixaya madaxweynaha Kuuriyada Koonfureed..

Madaxweynaha Kuuriyada Koonfureed ayaa lagu wadaa in uu kulankii saddaxaad la yeesho madaxweynaha  Kuuriyada Waqooyi, waxaana la sheegay in uu wado qorshe uu ku doonayo kulan saddax geesood ah oo dhexmara madaxweynayaasha Labada Kuuriyo iyo Maraykanka si ay  wadajir ugu iclaamiyaan dhammaadka dagaalkii Kuuriyada oo dhacay 1950 ilaa 1953dii.

Dagaalkii labada Kuuriyo ayaa ku dhammaaday xabbad joojin, taas  oo aan meesha ka saarin colaaddii u dhaxeysay ciidankii Maraykanku horkacayay iyo Waqooyiga Kuuriya.

Talaadadii ayaa waxaa kulan wada yeeshay wakiilada nukliyeerka ee Kuuriyada Koonfureed iyo Maraykanka si loo bilaabo wadahadalada nukliyeerka ee Waqooyiga Kuuriya. Wakiilka Koonfurta Kuuriya ayaa sheegay  in isaga iyo dhiggiisa Maraykanka ay ka wadahadleen sidii loo baabi`n lahaa hubka Nukliyeerka, nabadna loogu so dabaali lahaa jaziiradda Kuuriyada.

Kulanka labada hoggaamiye ee Waqooyiga Kuuriya iyo Maraykanka ayaan wali rasmi aheyn, laakinse maadxweyne Trump ayaa sheegay in uu warqad wanaagsan ka helay madaxweynaha Kuuriyada Waqooyi taas oo suurogal ka dhigi karta kulan mar labaad dhexmara labada hoggaamiye.