Hoggaamiyaha Aqlabiyadda Baarlamaanka Kenya oo xilka laga qaaday

552
Aaden Barre Ducaale ayaa xilka laga qaaday. Waxa uu yahayay tan iyo Doorashooyinkii 2013-ka. Sawirka/ Twitter

Hoggaamiyaha Aqlabiyadda Baarlamaanka dalka Kenya,
Aaden Barre Ducaale ayaa xilka laga qaaday.

Aaden Barre Ducaale ayaa illaa iyo doorashooyinkii 2013-kii ahaa hogaamiyaha Aqlabyidda Baarlamaanka Kenya.

Bartamahii bishaan Juun ayuu ka badbaaday mooshin la doonayay in xilka looga qaado kaddib markii xisbiga talada haya ee Kenya uu isbaddallo ku sameeyay xubnaha hoggaanka u ah xisbigaasi ee jagooyinka kala duwan ka haya labada Aqal ee Barlamaanka iyo Senate-ka.

Isaga oo wareysi siinayay waqtigaas Idaacadda BBC-da ayuu sheegay in sababta uu uga badbaaday xil ka qaadista ay tahay in xubnaha ka tirsan xisbiga ay kalsooni ku qabaan shaqada uu ka hayo baarlamaanka.

Waxaa beddelay Amos Kimunya oo noqonaya hoggaamiyaha Aqalabiyadda Baarlamaanka Kenya.