Hogaamiyaha Xamas oo lagu daray liiska Argagaxisada Caalamiga ah

823

Dowladda Maraykanka ayaa war ay soo saartay waxaa ay Ku sheegtay in hogaamiyaha ururka Falastiiniinta ee Xamas Ismaaciil Haniya lagu daray liiska Argagaxisada Caalamiga ah ee dalka Maraykanka.

Maraykanka, ayaa Ismaaciil Haniya, hogaamiyaha xisbiga Xamas u arka inuu xiriir dhow  la leeyahay Garabka hubaysan ee  ururka Gobanima doonka Falastiiniinta.

Xamas ayaa lagu daray liiska argagaxisada caalamiga ah ee dowladda Maraykanka ka dib markii lagu eedeeyay inay mas’uul ka yihiin dilka 17 qof oo u dhashay dalka Maraykanka.

Qoondooyinka uu Mr. Haniya Ku leeyahay banigiyada reer galbeedka ayaa la xanibay ayadoo sidoo Kale at jirto xanibaad dhanka safarada ah oo lagu soo rogay.