Hogaamiyaha mucaaradka Kambodhiya oo xabsi guri laga sii daayay

560

Maxkamadda dalka Kamboodhiya ka qaaday xaninaad xabsi guri ah hogaamiyaha mucaaradka Kem Sokha labo sano kaddib, balse ka mamnuucday, inuu ku biiro siyaasadda iyo in uu dalka dibadda uga baxo.

Tallaabadan ayaa timid maalin ka dib markii hogaamiyaha mucaaradka Sam Rainsy uu ku guuldareystay inuu ku laabto Cambodia, sida loo ballanqaaday, iyo maalmo ka hor Midowga Yurub loo qorsheeyay inuu soo gabagabeeyo warbixintiisa ku saabsan suurtagalnimada ka noqoshada heshiis ganacsi oo muhiim ah.

Sida uu qoray wargeyska dowladda taabacsan ee Freshnews, amar maxkamadeed ayaa dhigaya in Kem Sokha, oo la xiray sanadkii 2017 laguna eedeeyay khiyaano, inuu ku jiro kormeer maxkamadeed uuna ka mamnuuccan yahay inuu u baxo dibadda iyo inuu qabto wax dhaqdhaqaaq siyaasadeed ah.

Kem Sokha, oo 66 jir ah, ayaa ah isku-duwaha Xisbiga Badbaadinta Qaranka ee Cambodia (CNRP), oo la kala diray sannadihii 2017, tallaabadaas oo cambaareeyeen kooxaha xuquuqda.