Hoggaamiyaha Kuuriyada Waqooyi Kim Jong-un ayaa la kulmay mas’uuliyiin sarsare ka socday Kuuriyada Koonfureeda sida ay tabisay wakaallada wararka ee Kuuriyada Koonfureed ee Yonhap.
Sida laga soo xigtay madaxtooyada Kuuriyada Koonfureed, Kim Jong-una ayaa kulan casho ah la qaatay ergada ka socotay Kuuriyada Koonfureed.
Waxaa la rumaysan yahay in ay tahay markii ugu horresay oo ay Hogaamiyaha Kuuriyada Waqooyi uu la kulmo wafdi ka socda Kuuriyada Koonfureed tan iyo markii uu xaafiiska qabtay 2011-kii.
kulankaan ayaa yimid kaddib Kuuriyada Koonfureed ergo u dirtay Kuuriyada Waqooyi si uga wadahadlaan xiriirka laba geesoodka ah ee labada dal iyo suurta galnimada ah wadahadal dhexmara Mareykanka iyo Kuuriyada Waqooyi.
Warbaahinta Mareykanka ayaa qortay, in ergada Kuuriyada Koonfureed la filayo in ay Hogaamiyaha Kuuriyada Waqooyi kala hadli doonaan barnaamijka hubka Nukyukleerka ee gacanka Kuuriyada, sidoo kalena ay ku dhiirigelin donaan wadahadal nabdoon oo dhexmara labada waddan si loo soo celiyo xiriirka dibloomaasiyadeed.
Kaddib laba maalmood oo boqasho ah, wafdiga ka socda Kuuriyada Koonfureed ayaa u tagi doono Mareykanka si ay warbixin uga siiyaan waxyaabihii ay ka wadahadleen Hogaamiyaha Kuuriyada Waqooyi.