Hogaamiyaha K/Waqooyi oo gaaray dalka Shiinaha

737

Hogaamiyaha Kuuriyada Koonfureed Kim Jong-un ayaa markii saddexaad sannadkan gudahiisa booqanaya dalka Shiinaha.

Kim ayaa ka dagay magaalada Beijing booqashadiisa ayaana imanaysa toddobaad ka dib markii uu dalka Singapore kulanka kula la qaatay madaxweyne Trump.

Mar sii horraysayna Wasaaradda difaaca ee Kuuriyada Koonfureed ayaa xaqiijiyay in la baajiyay dhoolatus ay si wada jir ah u samayn lahaayeen milatarigooda iyo kuwa Maraykanka oo la qorsheeyay bisha Agoosto.

Hoggaamiyahaan ayaa bilihii lasoo dhaafay waday dadaallo ku aadan sidii cunaqabeynta looga qaadi lahaa Kuuriyada Waqooyi.